Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye

Sawir hore.

Wararka ka imanaya Isgooyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay Qarax lagu xiray Gaari ay la socdeen dad rayid ah.

Inta la xaqiijiyay 2 Qof oo Rayid ah ayaa dhintay halka Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen, oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle uu ku dhaawacmay qaraxa.

Gaari ay la socdeen ayaa la sheegay in uu qarxay,waxaana qof ka mid ah dadka ehelka la ah dadka ay waxyeellada soo gaartay uu u xaqiijiyay Mustaqbal Radio dhimashada labao qof iyo dhaawac qof kale.

Qaraxan waxaa uu ku soo beegmay iyada oo Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha iyo Wasaaradda Howlgala guud uu ka socdo dagaal u dhaxeeya AL-shabaab iyo Ciidamada dowladda.

Web master

Read Previous

Faah faahinta weerarka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha

Read Next

Four Explosions, gunfire Rocks Somalia’s Capital