Raphael Varane oo ku fikiraya in uu ka tago Real Madrid.

Daafaca xulka France iyo Real Madrid Raphael Varane ayaa lagu soo waramayaa inuu ku fikirayo in uu kooxda ka hayaamo dhamaadka xili ciyaareedka.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa ku jira xilli ciyaareedkii sideedaad ee Real Madrid, wuxuuna u saftay 268 kulan tan iyo markii uu kooxda kuso biiray.

Wargeyska L’Equipe ayaa ku waramaya in 25-jirkaan uu diirada u saaran yahay kooxda PSG iyadoona ku dooneysa aduun dhan 87m.

Waxeyna u badan tahay in laacibka reer France Varane uu gabi ahaanba isga tagi doono kooxdiisa Real Madrid dhammaadka xili ciyaareedkan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Man Utd oo 50m ku dooneysa Toni Kroos.

Read Next

Muqdisho: Qarax lala beegsaday dhismayasha labo wasaaradood