MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya ayaa ka amuustay codeyn Qaramada Midoobey ay u qaadday aqoonsiga Dowladda Mareykanka ee ay Buuraleyda Golan Heigths ee dalka Syria uu u aqoonsaday in ay leedahay Israel.
Kulanka Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa xaadiray 47 dal,waxaana 26 ka mid ah ay diideen aqoonsiga Trump ee dhulka ay xoogga ku heysato Israel, halka lix iyo toban kale ay aqbaleen, waxa sidoo kale ka aamusay 5 dal.
Kulankan ayaa shalay oo jimco ahayd ka dhacay Magaalada Geneva,waxaana ajendaha ahaa qaraar ku saabsan aqoonsiga Trump Israel ku siiyay Buuraleyda Golan ee dalka Syria oo ay Israel xoog ku heysato.
Waddamada diiday codeyntan, oggolaadayna in Israel heysato ayaa kala ah; Australia, Austria, Brazil, Bulgaria, Croatia, the Czech Republic, Denmark, Hungary, Iceland, Italy, Japan, Slovakia, Spain, Togo, Ukraine iyo United Kingdom.
Dalalka ka aamusay ayaa iyaguna kala ah; Cameroon, Democratic Republic of Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia.
Dalka Baxreyn oo markii hore u codeeyay diidmo ayaa sheegay in uu ka laabtay codkaas waxaana uu codsaday in loo qoro in uu ka aamusay.
Danjiraha Syria ee Qaramada Midoobey Hussam Edin Aala, ayaa bogaadiyay go’aanka golaha waxaana uuu sheegay in uu farriin cad u dirayo go’aanka gar darrada ah ee uu Dhulka Syria Trump u aqoonsaday in ay leedahay Israel.
