Taliska Boolisk AMISOM ayaa magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray Taliyayaasha 40 Saldhig Boolis oo ka mid ah Booliska Soomaaliya.

Taliyayaasha Booliska Soomaaliya ee tababarka qaatay ayaa laga kala keenay Maamul Goboleedyada kala ah Galmudug, HirShabelle, iyo Jubaland.

Waxaa uu Tababarkan oo Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay socday toban maalmood,waxaana la barayay Hoggaanka iyo maareynta.

Taliyayaasha ayaa loogu talagalay in ay maamulaan islamarkaana hoggaan wanaagsan u horseedaan askarta ku sugan Saldhigyda ay Taliyayaasha ka yihiin.
