Kenya: 5;Bank oo Maareeyaashooda dacwad loo heysto.

in ka badan 21 ruux oo kamida maamulayaasha sar sare ee 5 bank oo ku yaal dalka Kenya ayaa waxa ay ka casi qabaan in xabsiga lootaxaabo.

Waxaana loo heystaa lunsashada in ka badan hal bilyan oo ah shilinka dalka Kenya oo laga dhacay waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan NYS.

Waaxda dambi baarista ee Kenya oo arintaan ka hadashay ayaa sheegtay in maamulayaashaan ay dad eedaysanayaal ah u ogolaadeen in ay lacago badan kala baxaan akoontiyadooda Bangiyeed sidaasna ay xabsi ku muteysa karaan.

Agaasimaha waaxda DCI-da Kenya Mr George Kinoti ayaa waxda dacwad oogayaasha Kenya ka dalbaday in ay maxkamada latiigsato eedeysanayaash.

Maamulayaash musuqa lagu eedaynayo oo ka howlgala bangiyada Standard Chartered,Equity,KCP,Cooperative iyo Diamond Trust oo la hadlay war baahinta gudaha Kenya ayaa iska fogeeyay deedaymahaan.

MM Staff

Read Previous

Maamulka cusub ee Luuq oo wada shaqeyn ka dalbaday shacabka degmadaas.

Read Next

Wasiir Maareeye oo hadlay dhalinyarada lagu dilo wadanka Koofur Africa.