Wasiir Maareeye oo hadlay dhalinyarada lagu dilo wadanka Koofur Africa.

Wasiirka Ganacsiga Xukumada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xayir Mayeeye ayaa hadlay dilal loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilo wadanka Koofur Afrik.

Wasiirka Gacsiga Soomaaliya oo haladlaayay Warbaahinta Dowlada ayaa ugu tacsiyeey walideenta, qaraabada  iyo ganacsatada ee ay ka bexeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida joog tada ah loogu dilo wadanka Koofur Afrika.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in uu aad ugu xunyahey dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed uuna kala tashan dooro wasaarada Arimaha dibada si dowlad ahaan looga jawaabo dilalkaan loo geysto dhalinyarada u gacsi doonata wadanka Koonfur Afrika.

Weerarradan lagu ugaarsanayo Dadka Ajaanibta ah ee Soomaalida u badan ee ku nool Dalka Koofur Afrika ayay dhalinyaradu ku macneeyeen, mid barakicin ah oo lagula dagaallamyo dhaq-dhaqaaqyada iyo howlaha ganacsi ee ay halkaasi ka wadaan.

Koonfur Afrika sanadkaan bilowga ah dilalka loogeytay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsata waxa ay gaarayaan 14 dil oo dilkii u dambeeyay uu xalay dhacay.

MM Staff

Read Previous

Kenya: 5;Bank oo Maareeyaashooda dacwad loo heysto.

Read Next

AMISOM oo Wareejisay Saldhig ay ka hirgelisay Baladweyne.