Puntland oo degaannadeeda ka mamnuucday Xisbiyada siyaasadeed.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha ee Maamulka Puntland ayaa lagu amray Xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya in aysan wax shaqo ah ka qaban karin degaannada Maamulka Puntland.

Puntland ayaa sheegay in iyada oo bogaadineysa dhaq dhaqaaqyada nidaamka axsaabta badan,haddana ay joojisay shaqada axsaabta heer federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlad Goboleedyada.

Waxaa ay sheegtay in ay hakisay dhamaan shaqooyinka axsaabta inta laga dhameystirayo nidaamka axsaabta dalka Soomaaliya.

Mustaqbal media

Read Previous

Monica Juma: “Kenya waxaa ay halis ugu jirtaa in siyaasadda arrimaha dibadda looga adkaado”

Read Next

Galmudug oo Dhuusamareeb ku qabatay Rasaas ay sheegtay in loo waday Al-shabab,Sawirro