Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Laamaha Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa soo bandhigay agab ay sheegeen in loo waday dagaalamayaasha Al shabaab.
Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in hubkaan uu saarnaa gaari Caasi ah oo ka yimid dhanka Gobolka Bari uuna ku siijeeday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayna gacanta ku hayaan hubkii iyo gaarigii uu saarnaa.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan ku wadaan wadihii gaariga oo ku xiran xarunta Nabad Sugidda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Sargaal ka tirsan Nabad Sugida oo ay Idaacadda Mustaqbal la hadashay ayaa u sheegey in dhawaan xog dhamaystiran la wadaagayaan warbaahinta haddana baaritaan ku jiraan.

Al Shabaab oo maamula deegaano iyo dagmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud kama hadlin sheegashada Galmudug oo ah in ay qabteen hub loo waday Shabaab.
