Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukumada Faderaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wafdi uu hugaaminayo oo ku sugen Suuudiga ayaa kulan laqaatay madaxweyne ku xigeenka Bangiga hormarinta Islaamka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS iyo madaxweyne ku xigeenka bangiga hormarinta Islaamka Mansur Muhtar ayaa ka wada hadlay hormarada ay Soomaaliya ka samaysay dhaqaalaha ,hormarinta arimah Siyaasada ,amniga iyo qodobo kale.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka waxaa kulanka ku wehlinaayay wasiirada Maaliyad iyo Xanaanada Xoolaha iyo xoghaya joogta ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa ayna ku lama la qaateen masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada Sucuudiga.

Masuuliyiintaan ayaa inta ku suganyihiin Sucuudiga waxa ay kula la qaada doonaan Madaxda Xukumada Riyaad iyo diblumaasiyiinta daneeya arimaha Soomaaliya.

