Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ayaa beeniyay in Xalay hoobiyaal lagu garaacay Salka Bilidoogle ee lagu tababaro ciidan Kumaandooska Soomaaliya.
Gudoomiya Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyay Mustaqbal ayaa sheegay in Al shabaab ay soo tuureen dhowr madfac ayna ku dheceen meel ka baxsan xerada ayna isla markiiba goobta ka baxsadeen.
Waxa uu sheegay in wadaan howlgalo lagu baadi goobayo ragii soo tuuray madaafiicda ayna ku raad joogaan sida uu hadalka u dhigay.
Al Shaabaab ayaa war ay ku daabeceen baraha ay warkooda ku faafiyaan ku sheegtay in ay waarer Madaafiic ay ku qaadeen Saldhiga Balidoogle oo ay sheegeen in Mareykanku ku diyaarinayeen weeraro uu ka gaysto Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.
Saldhiga Balidoogle ayaa ah salka ugu weyn Mareykanka ee Soomaaliya waxaana lagu tababaraa Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya sidoo Mareykanka ayaa ka qaada weerara ka dhanka ah Al shabaab.
