Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran
Wararka naga soo gaaraya Koofurta magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in xalay lagu guuleystay daminta dab khasaare Hnatiyadeed sababay oo ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla magaalada.
Dabka oo ahaa mid xooggan ayaa qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla wadada Astaan Golol ee Gaalkacyo, waxaana durba gurmad sameeyay Ciidamada amaanka iyo dadka Shacabka ah, kuwaasoo adeegsanayay Carro iyo Biyo, si ay dabka u damiyaan.
Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, malaha gaari dab damis ah, taasoo keentay inuu dabka meelo hor leh ku fido, isla mar ahaantaasna uu sababao khasaare hantiyadeed.
Daqiiqado badan kadib, waxaa gurmad ahaan gaari dab damis ah geeyay Koofurta Gaalkacyo Duqa degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntland Yaasiin Cabdi Samad
Xirsi Yuusuf Barre oo ah duqa degmada Gaalkacyo, ayaa sheegay in dabka uu sababay khasaare Hantiyadeed, isagoo dowladda ka dalabaday iney magaalada geyso gawaari dab damis.
