Chelsea oo laga soo diiday dalab ay ka gudbisay Nicolo Barella.

Kooxda reer Taliyaani ee Cagliari ayaa lagu soo waramayaa iney diiday dalab dhan 44 milyan oo ginni ah oo kaga yimid kooxda Chelsea kuna dooneyso saxiixa Nicolo Barella.

21 jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo West London bisha Janaayo isagoo bedelaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Monaco ku biiray Cesc Fabregas.

Chelsea ayaa gudbisay dalab dhan 44-milyan oo ay ku dooneyso dhaliyaha kooxda Cagliari Barella.

Wargeyska Totosports ayaa ku waramaya in Agaasimaha ciyaara kooxda Cagliari uu ku gacan seyray dalabkii ka yimid Chelsea isagoona sheegay in uu san iib aheyn Barella.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Waare: “AMISOM waan ku qancin weynay in ciidanka Burundi aysan ka bixin Hirshabeelle”

Read Next

Muusigga Heesta qaranka ee Kenya oo la isku heysto