Real Madrid oo ku kalsoon inay £ 100m kula soo wareegto Eden Hazard.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto inay lasoo saxiixan doonaan weeraryahanka Chelsea Eden Hazard.

28 jirkaan ayaa lixdii sano iyo bar  ku qaatay Stamford Bridge, lakiin ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaan loo badinayaa in uu ku biirayo Real Madrid.

Laacibkan qandaraaskiisa Chelsea kaliya waxaa ka harsan 18 bilood oo kale waana suuqagal in uu ka hayaamo kooxda dabayaaqada xagaagan.

Wargeyska The Miror ayaa ku waramaya in Real Madrid ay markale Hazard ka gudbisay dalab cusub oo gaaraya 100-milyan oo ay ku doonayaan saxiixa Weeraryahanka Chelsea.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Kenya: Aabbe iyo Wiilkii oo lagu eedeeyay gacansiinta Al-Qaacidda oo lagu riday xukun

Read Next

Cristiano Ronaldo oo James Rodriguez ku qal-qaalinaya in uu kuso biro Juventus.