Madaxwaynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Golaha wasiiradda Jubbaland oo maanta ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Kulanka Golaha wasiirada Jubaland ayaa warbixinno kala duwan laga dhegaystay qaar ka mid ah Wasaaradaha Jubbaland sida Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Howlaha guud guriyeynta iyo Wasaaradda Amniga.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa bishaan safarro shaqo ku tegay deegaano kala duwan oo katirsan Jubbaland ayaa golaha wasiirada warbixin ka siiyey safarkiisii iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay Garowe oo uu shirar kula soo qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlada Goboleedyada Dalka.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa wasiiradiisa ka dalbaday in ay u diyaar garoobaan Xoreynta deegaanada ka maqan gacanta maamulka Jubaland.

