Waxaa faaf faahin dheeraad ah ka soo baxaysaa khasaaraha hantiyadeed ee uu geystay dab Xalay saqdii dhexe ka kacay Suuqa weyn Degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir,waxana dabkaas laga dareemay inta Badan Xaafadaha Degmada Wadajir.
Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo kan degmada Wadajir ayaa waxa ay sheegeen in dabka uu ka bilaawday qeybta qandalka lagu iibiyo ee Suuqa,isla markaana uu ka dhashay koronto taasna ay sababtay in uu dabku saameeyo Tukaano qadalka ka Agdhawaa.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay deminta dabkaas,isla markaana ay gurmad weyn u soo sameeyeen Gawaarida Dab damiska ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud,Mamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Deeyniile.

Maxamed Cabdulaahi Tuulax Gudoomiye ku xigeen Abniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa oo asna Tagay halka Dabku qabsaday ayaa sheegay in laamaha Abnigu ay ku guulaysteen in aan la Bililiqeysan hantida Shacabka ee Suuqa Gubtay taalay.

Ugu dambeyn Gudoomiye Tuulax ayaa Shirka Isgaarsiinta Hormuud ugu Mahadceliyey sida ay Gurmadka ugu fidiyeen shacabka Hantidoodo gubanaysay.
