Askar Dil iyo Dhac loo heysto oo Xukunno kala duwan lagu Riday.

Maxkamadda Derejada koobaad ee Ciidan Xoogda  ayaa Maanta Labada eedeysane oo horay ugu tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ridday xukunno kala duwan oo kala ah dil iyo Xabsi.

Eedeysanayaasha kala ah, Dable Xoogga, Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigalle ,ayaa loo heystaa in ay toogteen, Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed , oo si wada jir ah ugu safrayay Wadddada Afgooye, 25-kii Septembar, Sanaddii 2018 sida ay sheegtay Maxkamada Darajada 1 aad.

Askariga Dilka lagu Xukumay.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Koobaad ee Ciidanka qalabka sida, G/Sare, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda ay quseyso in  Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, laguna xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta marxuumiinta , Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed, halka  Dable Xoogga ,Maxamed Caddaan Cigale lagu xukumay Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Askariga 8 sano ee Xabsiga ah lagu Xukumay

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkada sarre ayaa sheegay in ay fursad kale haystaan oo ay  ku dalban karaan rafcaan haddii aysan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda Darejada Koowaad.

Mustaqbal media

Read Previous

DPworld oo shaqaalaha Dekadda Berbera ku amartay qaadashada Baasaboorka Somaliya

Read Next

Kenya oo sheegtay in weerarrada Al-shabaab ay 47% hoos u dhaceen