Laacibkii hore ee kooxda AC Milan iyo xulka Gana Kevin Prince Boateng ayaa si layaab leh ugu biiray kooxda Barcelona.
Barcelona ayaa xidiga ku qaadatay heshiis amaah ah iyadoona xagaaga danbe ku qaadan karta aduun dhan 8-milyan.
Kadib ku biiristiisa Barcelona xidiga ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna yiri” Barca, Waan Soo Socdaa! Waan Ka Xumahay in aan ka tago kooxda Sassuolo, laakiin waxa helay fursad fiican”.
“Waxba ha iga waydiin Real Madrid, waa wax laga soo tagay, waxa aan doonayaa in aan diirada saaro Barcelona waxa aan rajaynayaa in aan Bernabue gool ku dhaliyo Kulanka El Clasico ee soo socota” ayuu hadalkiisa sii raaciyay laacinka.
