Xukuumadda Burkina Faso oo dhamaanteed is casishay

Ra’isalwasaarahii Dalka Burkina Faso,Paul Kaba Thieba iyo dhamaan golihiisii wasiirrada ayaa hal mar is wada casilay.

Khudbad Madaxweynaha Dalkaas uu TV-ga Qaranka ka jeediyay ayuu ku sheegay in dhamaan Ra’isalwasaaraha iyo Golaha Wasiirrada is casileen iyada oo aan la sheegin sababta.

Madaxweynaha Dalka Roch Marc Christian Kabore, dowladdiisa ayaa dareemeysa cadaadis xoog leh oo la xiriira Afduubka iyo Kooxaha xiriirka la leh Al Qaacidda ee dalkaas ka dagaallamaya.

Dhawaan dad Ajaanib ah ayaa lagu afduubtay gudaha dalkaas,waxaana ay arrintaas sababtay is casilaadda Wasiirrada difaaca iyo amaanka.

Madaxweyne Roch Marc Christian Kabore ayaa Xukuumadda iyo Ra’isalwasaarahaba uga mahad celiyay shaqadii ay soo qabteen.

Mustaqbal media

Read Previous

Taxi Driver Tricks Al Shabaab Suspects Into Police Station

Read Next

Jubbaland oo soo bandhigtay waxyaabaha Maanka dooriya oo Kismaayo lagu qabtay.