Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Booliska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Labo Nin oo Soomaali ah kuwaas oo Hub iyo rasaas lagu qabtay.

Labada Nin ayaa waxaa ay kireysteen darawal Gaari markii ay ka gudbayeen Sohdinta,waxaana ay u sheegeen in uu marsiiyo Waddooyin qarda jeex ah.
Aadan Xasan Maxamed oo 22 jir ah iyo Ibraahim Cali Guyo ayaa waxaa qiyaamay Darawalkii waday oo geeyay saldhig Boolis markii uu ka shakiyay waddooyinka ay weydiiyeen.

Raggan ayaa Boolisku waxaa ay sheegayaan in ay ka baxeen Degaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubada hoose ee Soomaaliya,waxaa ay doonayeen degaanka Hameey lagu magacaabo, markii la gaaray ayey u sheegeen darawalka oo lagu magacaabo Abuukar in uu geeyo Xagardheer,halkaas oo uu shakiga ka qaaday.
Sdii uu u sii waday waxaa uu geeyay Saldhig Boolis,waxaana lagu qabtay Baskoolad Makaaruf ah iyo Rasaas farabadan.

Waxaa kale oo lagu qabtay Budo cad oo baaritaan dheeraad ah ay ku sameynayaan Ciidamada Kenya ee raggaas qabtay.
