Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa goor dhow Maamul cusub u magacawday Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Wareegto uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa lagu magacaabay Gudoomiye iyo Ku Xigeen Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Yuusuf Xasan Xuseen ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Afmadow halka Cali Raxaab Sheikh Cumar loo magacaabay Gudoomiye Ku Xigeenka Afmadow.
Maalmihii lasoo dhaafay Degmada Afmadow waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, qaar kamida golihiisa Wasiiradiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

