Caasha Cabdalla oo ku baaqday in Haweenku sameystaan Isimo u gaar ah.

Caasha Axmed Cabdalla oo horay uga tirsaneyd Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wixii ka dambeeya ay haweenka Puntland sameysanayaan Isimo dhaqameed iyaga u gaar ah.

Caasha ayaa sheegtay in ay ka xuntahay sida Haweenka loogu qadiyay Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ee 66da ah oo ay ka heleen kaliya hal Xildhibaan.

Waxaa ay eedeyn u jeedisay Odayaasha soo xulay Xildhibaannada iyada oo sheegtay in Raggu ay lacag badan adeegsadeen sidaasna haweenka lagu qadiyay.

Caasha Axmed Cabdalla ayaa sheegtay in haddii waxa socda waan wax laga qaban ay haweenka sameysan doonaan Isimo dhaqameed u gaar ah.

Dowladda Federaalka ah ayey ku dhaliishay in ay ka saxeetay la socodka xulista Xildhibaannada Puntland oo shalay lagu dhawaaqay.

Xilhibaannada ayaa dooranaya Guddoomiye ku xigeen,waxaana kaddib 8da Bishan January ay dooranayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Mustaqbal media

Read Previous

Booliska Kenya oo Haweeney 65 jir ahayd ku dilay Mandheera.

Read Next

Midowga Yurub oo hakinaya kaalmada Booliska Koofur Galbeed