Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Booliska Dalka Kenya ayaa Magaalada Mandheera ku toogtay Haweeney da’ ahayd oo ka mid ahayd dadka degaanka.
Haweeneydan ayaa waxaa toogtay sarkaal ka mid ah Booliska,waxaana dilkeeda kaddib dadka degaanka ay sameeyeen rabashado iyaga oo Taliska Booliska iyo maamulka Mandheera ka codsaday in sarkaalka dilka geystay sharciga la horkeeno.
Dilkeeda ayaa ka dhacay xaafadda Rhama, waxaana guddoomiyaha urur u dhaq dhaqaaqa dadka degaanka uu xafiiska dacwad oogaha guud u gudbiyay dacwad ka dhan ah Booliska Kenya oo uu ku eedeeyay in ay si joogta ah oo sharci darro ah u laayaan dadka Gobolka Soomaalida.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa xaqiijiyay in ay soo gaartay dacwaddaas iyo cabashada ka dhanka ah Ciidanka amaanka islamarkaana ay baaritaan rasmi ah ku sameynayaan.
