Maxkamadda Ciidanka oo xukun dil ah ka fulisay Baydhaba.

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaa saaka lagu toogtay, Maxamed Aadan  Cali Booroow, oo lagu helay dilka Sheekh Mad-dheer Mad-gaab Caliyow.

Maxamed ayaa lagu eedeeyay in 15kii June 2017, uu degaanka Maanayfuulka ee duleedka Baydhaba ku dilay Sheekh Mad-dheer oo masaajid ku dukanayay.

Saraakiisha ugu sarreysa Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa joogay goobta ay toogashada ka dhacday,waxaana dadka joogay ka mid ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidanka Liibaan Cali Yaroow.

Maxkamadda ayaa todobaadkii hore dil toogasho ah ka fulisay Muqdisho,waxaana hadda soo badana dilalka ay fulineyso Maxkamadda ciidanka oo labadii sano ee la soo dhaafay aan fulinin xukunno badan oo dil ah oo ay heyso.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Warar dheeraad ah oo baxaya Khasaaraha ka dhashey qarax ka dhacey Baladweyne.

Read Next

Golaha shacabka oo maanta ka doodaya Miisaaniyadda 2019-ka.