Saraakiisha qeybta 43aad iyo kuwa Jubaland oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabab

Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa u dhaxeeyay Madaxda iyo Saraakiisha Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Waxaa lagu dajinayay qorshaha goobaha la qorsheynayo in lagu tago duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo dib u celinta dadka horay ugu soo barakacay.

Maxamed Yuusuf Cumar Wasiirka Garsoorka, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa muhiimadda Kulankaan ku sheegay in uu ahaa in lagu dhaqaaqo howlgalka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Waxa uu tilmaamay in la isku soo hadal qaaday sidii looga faaiideysan lahaa Duqeymaha laga geysanayo Deegaanada ay ku sugan yihiin, oo kolka ay ka baxaan loo tagi lahaa sida uu hadalka uu dhigay.

Ka wasaarad Garsoor ahaan waxa uu tibaaxay in laga rabo diyaarinta Maxkamadda Ciidamada si ay u qaaddo kiisaska dadka dambiyada kala ama lagu tuhmayo.

Maxamed Yuusuf Cumar Wasiirka Garsoorka Jubbaland ayaa sheegay in la diyaariyay Ciidamo Booliis ah oo la geynayo Deegaanada ay gacanta ku dhigeen Ciidamada iskaashinaya.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in Xabsida ay ku jiraan Dad bilaa Xukun ah, kuwaa oo lagu qabtay howlgaladii ugu dambeeyay.

Isaga oo ka duulayo Eedda ku saabsan Dadka xiran, waxa uu tilmaamay in xubno uu ku jiro ay tageen Xabsiyada dadka lagu hayo, kana wareysteen in Xukun ku dhacay iyo in kale, una sheegeen la xukumay sida uu hadalka u dhigay.

Shirkii ugu dambeeyay sanadkaan 2018, laguna jeexayay qirdadda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa dhowaan Kismaayo ku dhexmaray Madax ka socota AMISOM, Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddiga Maaliyadda oo Caawa ku kulmay Muqdisho. (Sawirro).

Read Next

Maxkamadda Ciidanka oo dil ku fulisay nin lagu eedeeyay Al-shababnimo