Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay Xukun toogasho ah ku fulisay Cabdulqaadir Abuukar Shaacir Maxamed oo ay sheegtay in uu katirsanaa Al-Shabaab.
Waxaa loo heystaa Qaraxyo ka dhacay Muqdisho Hoteel Wehliye, Baar Itaaliya iyo meel u dhaw Wasaaradda Amniga.
6-dii bishii Desember 2018, ayay Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii uu Racfaan ka qaatay xukunkii ay ku ridday Maxkamadda Darajada Koowaad.

Waxaana maanta lagu fuliyay Xukunkii Toogashada ahaa ee lagu riday, sida ay ku dhawaaqeen mas’uuliyiin katirsan Maxkamadda iyo Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.
Isku geyn waxa qaraxyada loo heysto ku dhintay dad gaaraya 27-ruux, waxa ay maxkamadda Ciidamada sheegtay in lagu qabtay Gaari walxaha qarxa waday oo laga hortagay.
Waa xukunkii 2aad oo Maxkamada Ciidanada qalabka sida qeybteeda Muqdisho ay fuliso tan iyo markii uu talada dalka la wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Toogashadii ka horreeysay midda saaka ayaa lagu fuliyay 14kii October Nin loo heystay qarixii Soobe ee ay ku geeriyoodeen dadka ka badam 600 Qof.
