Al-shabab oo sheegtay in Yusuf Dabageed ku weerartay Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya,  waxa ay sheegayaan in Weerar Jidgal ah lagu qaaday Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka .

Weerarka ayaa ka dhacay Deegaanka Orotan oo u dhaxeeya Degmooyinka Maxaas iyo BaladWayne, sida wararku ay sheegayaan waxaa jira khasaare labada dhinac kala gaaray.

Wafdiga waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxaana socdaalka ku wehliya xubno katirsan Maamulka Gobolka.

Al-Shabaab ayaa warbaahintooda ku daabacay in weerarkaasi ku qaadeen Yuusuf Dabageed iyow afdi la socday .

Degmada Maxaas oo ay wafdigaan kusoo jeedaan, Duleedkeeda waxaa habeen kahor ka dhacay Dagaal Beeleed u dhaxeeyo Labo Maleeshiyo oo Deegaanka ah.

Maamulka Maxaas,  ayaa shalay dalbaday in la kala dhexgalo Maleeshiyo beeleedka, oo marar badan Halkaa ku dagaalamay.

Mustaqbal media

Read Previous

Monaco oo kusoo biirtay loo lanka loogu jiro saxiixa Cesc Fabregas.

Read Next

Guddiga xallinta Khlaafaadka Puntland oo kulan ka yeelanaya kuraas dacwo laga soo gudbiyay