Kooxda reer France ee AS Manoco ayaa lagu soo waramaya in ay kuso biirtay hardanka loogu jiro saxiixa xidiga Chelsea ee Cesc Fabregas.
Wargeyska France Foottball ayaa ku waramaya in masiiliyiin ka socda kooxda Manoco ay soo gaareen magaalada London ee dalka Englan si ay ula kulmaan wakiilka xidiga.
Fabregas ayaa dhawaan si cad u sheegay in uu kooxda Chelsea ka hayaamidoono marka uu furmo suuqa bisha janaayo.
Kooxo farabadan oo ay ka mid yihiin AC Milan PSG iyo Manoco ayaa ku dagaalamaya saxiixa kubad sameeyaha kooxda Chelsea iyo xulka Spain Cesc Fabregas.
