Wafdi ka socda Midowga Afrika oo lagu soo dhaweeyey Baladweyne.

Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta oo halkaa lagu soo dhaweeyey wafdi ka socda Midawga Afriga.

Wafdigaan waxaa horkacayey Wiilka gaarkaa ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliye Fransisco Madeira,waxaana garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyey madaxweynaha Madaxweynaha Hir-Shabeelle  Waare iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Wafdigaan ka socda Midowga Afrika oo lagu soo dhaweeyey Baladweyne ayaa kulamo laqaadanaya Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-Geed iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka sida,waxaana la isla soo qaadi doonaa  xaalada abni ee Hir-shabeelle iyo howgaladii ugu dambeeyey.

Wakiila Midowga Afrika iyo wafdigiisa ayaa lasheegey inay safar ku tagi doonaan dhamaan Maamulada dalka ka jira haatanse waxay ku suganyihiin Baladweyne.

Mustaqbal media

Read Previous

Luis Suarez Oo Ku Biiray liiska dhaawacyada Barcelona.

Read Next

Muran ka taagan Dhul ay leeyihiin Ciidanka Cirka oo lagu wareejiyay Shirkado gaar loo leeyahay. (Dhageyso).