Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Kaawo Godey qeybta Degmada Wadajir ee Magalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu qarax ka dhacay.
Goobjoogayaal ku sugan xaafadda ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in ay maqleen Qarax xoog badan, kaas oo ay ku sheegeen in uu khasaare geystay.
Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in uu arkay dad uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa.
Meesha uu Qaraxa ka dhacay ayaa ah Suuqa Jaad lagu iibiyo, oo lagu magacaabo saddex Kunley, xilliga uu qaraxa dhacay ayaana ahayd xilli uu Jaadka soo degayay oo uu jiray mashquul badan.
La soco wixii soo kordha.
