Wafdi ka socda Guddiga Amniga ee Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho,Sawirro

Magaalada Muqisho waxaa maanta soo gaaray Wafdi ka socda Guddiga Amniga ee Ururka Midowga Afrika.

Wafddigan oo ka kooban 27 xubnood waxaa hoggaaminayay Maxamed Idiriis oo ah Danjiraha Jabuuti ee Itoobiya iyo Midowga Afrika.

Wafddigan waxaa ay la socdeen Diyaarad ay leedahay Dowladda Itoobiya,kuwaas oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Waxa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/Qaadir Axmed Kheyr iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire  Francisco Madeira.

Wafdigan ayaa kulamo kula qaadanaya Magaalada Muqdisho madaxda dowladda Federaalka ah, Saraakiisha Qaramada Midoobey, waxaa ay sidoo kale booqanayaan Dowlad Goboleedyada iyaga oo la kulmaya madaxda Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: 1 person, sky and outdoor

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

Mustaqbal media

Read Previous

Qarax ka dhacay Degmada Wadajir ee Muqdisho

Read Next

African Union Peace & Security Council delegation on an assessment mission in Somalia