Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo lagu weeraay duleedka Balcad

Warar ka imaanaya gobolka shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagmada Balcad duleedkeeda lagu weeraray gaadiid ay wateen ciidamo katirsan kuwa Militeriga Soomaaliya.

Ciidamada la weeraray ayaa ka yimid magaalada Jowhar waxayna mareyeen tuulada Gololeey ee hoostagta dagmada  Balcad.

Dad ku sugan Balcad ayaa Mustaqbal u sheegey in Gawaarida la weeraray ay ahaayeen Saddex Gaari  oo ay  wateen Ciidamo ka tirsan Dowlada, waxayna intaas ku dareen in mid kamida sadexdii Gaari uu soo gaaray Balcad halka labadii kalana wadada looga soo tagey.

Waxaa lasoo warinayaa in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac balse aan la xaqiijin maaddaama weerarku dhawaan dhacay.

Wadada xariirisa Dagmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa dhowr jeer oo hore lagu weeraray masuuliyiin katirsan Hirshabeele.

Mustaqbal media

Read Previous

Guddoomiye Cawad oo raalli gelin siiyay Wasiir Beyle

Read Next

Khasaare kadhashay weerar Jidgooyo ah oo lagu qaaday ciidanka Dowladda Federaalka