Xildhibaan Jeesow oo ka badbaaday isku day dil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka badbaaday qarax lagu xiray Gaarigiisa oo ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Labo qof oo kala ah Darawalka Xildhibaanka iyo mid ka mid ah Ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay Qarax.

Xilliga uu qaraxa dhacayay Xildhibaanka waxaa uu ku jiray Carwo uu ka adeeganayay oo ku taalla Waddada Maka Al-Mukarrama.

Qaraxa kaddib waxaa goobta gaaray Gaadiidka Gurmadka deg degga ah iyo Ciidamo Boolis ah,waxaana ay Booliska halkaas ka wadeen Xildhibaanka.

Labada Qof ee dhaawaca uu soo gaaray ayaa la sheegayaa in midkood uu dhaawac culus ka gaaray labada lugood.

Mustaqbal media

Read Previous

Ex-Ogaden rebels plan return to Ethiopia from base in Eritrea

Read Next

Qarax ka dhacey xaafada Soonakeey ee magaalada Muqdisho