Turkiga oo kordhiyay Ciidamada iyo Tirada Maraakiibtooda ku sugan Xeebaha Soomaaliya
Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Daklhiga Qaranka oo loo gudbiyay, waxaana u codeeyay 132 Xildhibaan, 7 ayaa diiday halka 3 ay ka aamuseen.
Sharcigaan ayaa lagu dhisayaa Hay’adda Dakhliga Qaranka, waxaana Xildhibaannada looga mahadceliyay codayntooda iyo doodihii kala duwanaa ay sameeyeen Hindisahaan intii uu marayay doodadaha Baarlamaanka.
Hay’addaan waxa ay xafiis hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya balse marka la raaco hindisahaan loona dhaqaaqo in la dhaqangeliyo waxa uu ka dhigayaa hay’ad madaxbannaan oo yeelanaysa Agaasime.
Waajibaadka shaqo ee horyaalla hay’addaan waxaa kamid ah Canshuuraha Dakhliga qofka, Dhismaha, Dhulka, Guryaha iyo wixii lamid ah, waxaana ay ka howlgalli doontaa Caasimadda iyo Gobollada Dalka.
Mustaqbal
