Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada?

Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhageystay warbixinno la xiriira dagaalka AS iyo sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qorshaha dowladda ee lagu dardar galinayo dagaalka AS.

Kulanka maanta oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu boggaadiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qalabka Sida ka wadaan gobollada Dalka.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa la faray in la sii dardar galiyo howlgallada socda.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Labo heshiis oo dowladda la gashay dalka Muritaaniya kuwaas oo kala ah Wada-tashiyo Siyaasadeed iyo Iskaashiga Barnaamijka Tababbarka Diblumaasiyadda.

Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxaan ka qeyb galin Ra’iisul wasaare Xamse oo safar shaqo ugu maqan dalka Qadar.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Fiqi iyo «السفارة في العمارة»: Maxay Sarbeebtu Qarinaysaa?

Read Next

UK oo ku dhawaaqday in ay Ciidamada Soomaaliya ku taageerayso sidii ay ula wareegi lahaayeen Amniga Dalka