UK oo ku dhawaaqday in ay Ciidamada Soomaaliya ku taageerayso sidii ay ula wareegi lahaayeen Amniga Dalka

Bayaan ka soo baxay Dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay dhiirigalinayaan tillaabo kasta oo ay Soomaaliya ku dooneyso in ay kula wareegto Mas’uuliyadda Amniga Dalka, xilli uu kala guur marayo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Warkaan ka soo baxay Dowladda Ingiriiska ayaa daba socda booqashadii ay dhawaan magaalada Muqdisho ay ku timid Wasiirka Ingiriiska ee Horumarinta iyo Afrika, Kirsty McNeill oo kulan la yeetay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saarey xallinta khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka iyo weliba la wareegida mas’uuliyadda Amniga ee Soomaaliya.

“UK waxaa saaxiibka Soomaaliya oo ay ka go’antahay in ay kala shaqeyso arrimaha hortabinta u leh sida amniga iyo siyaasadda” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Dowladda UK.

Dhinaca kale, Dowladda Ingiriiska ayaa tilmaamtay in ay qeyb ka qaadaneyso dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan in ay sugaan Amniga Dalka.

Hadalka ka soo yeeray UK ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Mareykanka joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jiray Xafiiska QM ee Soomaaliya oo ay hoos yimaadaan Ciidamada AUSSOM.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada?

Read Next

Dhul gariir ku dhuftay Soomaaliya iyo Yemen