Fiqi iyo «السفارة في العمارة»: Maxay Sarbeebtu Qarinaysaa?

Mararka qaarkood, siyaasadda waxaa lagu cabbiraa hadallo dhaadheer; mararka kalena hal cinwaan oo filim ah ayaa xambaari kara fariin siyaasadeed oo ka weyn intii la filayay.

Cinwaanka “السفارة في العمارة” ayaa dhawaan galay doodda siyaasadda Soomaaliya, kaddib markii Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu soo xigtay xilli uu muran ka dhashay doorashadii Galmudug ee dhacday 30 Luulyo 2026-ka. Si loo fahmo waxa cinwaankaan laga yaabo inuu tilmaamayo, waxaa muhiim ah in marka hore la fahmo sheekada filimka.

Sheekada filimka “السفارة في العمارة”   

Waa filim Masri ah oo la sameeyay sannadkii 2005, waxaana jilaya fannaanka caanka ah ee Masar, Caadil Imaam. Filimku wuxuu ka sheekaynayaa Shariif Khayri, oo muddo ku noolaa Dubai. Markii uu Masar ku soo laabtay, wuxuu ogaaday in Safaaradda Israa’iil ay ku taallo isla dhismaha uu gurigiisu ku yaallo.

Bilowgii, Shariif dan weyn kama gelin arrimaha siyaasadda. Waxa uu doonayay inuu ku noolaado nolol caadi ah. Hase yeeshee, joogitaanka safaaradda iyo tallaabooyinka amni ee ku xeeran ayaa noloshiisa ku keenay dhibaatooyin.

Wuxuu isku dayay inuu gurigiisa iibiyo, balse dadkii doonayay inay iibsadaan waxay ka baqeen inay u dhowaadaan dhismaha ay safaaraddu ku taallo. Markii uu xal waayay, Shariif wuxuu arrinta u qaaday dhinaca sharciga. Wuxuuna bilaabay dacwad uu kaga soo horjeedo joogitaanka safaaradda.

May be an image of text

Dacwaddii markii hore ahayd arrin isaga gaar u ah ayaa si lama filaan ah u weynaatay. Warbaahintu way ka hadashay, bulshada ayaana aad ula dhacday. Shariifna wuxuu noqday qof lagu dhex arkay dood siyaasadeed oo ka weyn dhibaatadii gurigiisa. Si kastaba ha ahaatee, cadaadis ayaa lasaaray, ugu dambayntiina waxaa lagu qasbay inuu ka noqdo dacwaddiisii.

Waxaa ka niyad jabay dadkii markii hore taageerayay, Shariif waxa uu dareemay inuu ka tanaasulay arrin ka weyn dantiisa gaarka ah. Kaddib dhacdadan ayaa beddeshay fikirkiisa. Wuxuu arkay war ku saabsan geerida Iyaad, oo ahaa wiil Falastiini ah oo uu yaqaanay. Dhacdadaasi waxay Shariif ku dhalisay inuu fahmo in arrintu aysan ku koobnayn gurigiisa oo keliya.

Wuxuu garwaaqsaday in waxa uu markii hore u arkayay arrin gaar ah ay dhab ahaantii leedahay dhinac ka weyn naftiisa iyo dantiisa. Shariif wuxuu markaas dib ugu laabtay mowqifkiisii, wuxuuna si cad uga hor yimid joogitaanka safaaradda, oo uu u arkay arrin aan sax ahayn.

Dulucda filimka Marka la soo koobo, filimku wuxuu ka sheekaynayaa nin arrin gaar ah ka bilaabay, balse ugu dambayn ogaaday in arrintu ka weyn tahay isaga iyo dantiisa gaarka ah.

Haddaba maxaa Galmudug iyo filimkan isku xiraya?

Halkaas ayay sarbeebtu ka bilaabanaysaa. Doorashadii Galmudug ee dhacday 30 Luulyo 2026 waxaa ka dhashay muran iyo cabashooyin ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah ururradii tartamay.

Dhinacyadii cabashada gudbiyay waxay doonayeen in laga hadlo kuraas iyo natiijooyin ay ku doodayeen inaan si sax ah loo helin. Ujeeddadoodu markii hore waxay u muuqatay inay ahayd in la saxo cabashooyinkaas. Sidaas darteed, arrintu waxay marka hore u muuqatay mid ku kooban kuraas gaar ah iyo natiijooyinka doorashada.

May be an image of text

Dacwadda waxaa loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, taas oo muddo saddex maalmood ah dhagaysatay dacwadda iyo doodaha dhinacyada ay khusayso. Ugu dambayn, Maxkamaddu waxay go’aamisay in doorashadii aan loo qaban si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, iyadoo amartay in dib loo qabto. Halkaas ayay labada sheeko ku kulmayaan: wax markii hore u muuqday arrin kooban ayaa isu beddelay arrin taabanaysa dhismaha oo dhan.

Wasiir Fiqi wuxuu soo qaatay «السفارة في العمارة», isaga oo aan caddeyn cidda ama arrinta uu si gaar ah ugu jeeday. Dhinaca kale, wuxuu si cad u sheegay inuu taageersan yahay go’aanka Maxkamadda Sare.

Sidaas darteed, Haddii hadalkiisa loo fahmo sarbeeb ahaan, waxaa laga yaabaa inuu tilmaamayo in murankii markii hore ku koobnaa kuraas iyo natiijooyin doorasho uu ugu dambayn noqday arrin ka weyn dhinacyadii markii hore dacwadda keenay, balse ma aha in fasiraaddaas loo nisbeeyo Wasiirka ilaa uu isagu si cad u sheego.

Si kale haddii loo dhigo, arrintu waxay ka weynaatay kuraastii la isku hayay, waxayna gaartay su’aal ku saabsan hannaanka iyo sharcinnimada doorashada oo dhan.

Nuxurka

Shariif wuxuu ahaa nin Masri ah oo rabay inuu xalliyo dhibaatada gurigiisa, balse wuxuu ku dhex dhacay dood siyaasadeed oo ballaaran.

Dhinacyadii Galmudug ee dacwadda keenayna waxay doonayeen in laga hadlo kuraas iyo natiijooyin ay muran ka qabeen. Hase yeeshee, arrintu waxay gaartay Maxkamadda Sare, halkaas oo dacwadda muddo saddex maalmood ah la dhagaystay. Ugu dambayn, waxaa laga gaaray go’aan ku saabsan in doorashadu waafaqsanayd Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka iyo in kale.

Sidaas darteed, cinwaanka “Safaaraddii Dhismaha” waxaa loo fahmi karaa sarbeeb tilmaamaysa in arrin markii hore ku koobnayd qaybo gaar ah ay ugu dambayn saamaysay oo taabatay dhismaha guud ee nidaamka doorashada.

_________________________________________________________________

WQ: Cabdicasiis Yuusuf Maxamed (Maygaag), Suxufi | Blogger | Khabiir warbaahineet Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Warfaafinta

Gmail: abdiaziizmaygaag@gmail.com

Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media.

MM Editor

Read Previous

Maxaa ka jira in Diyaaradaha F-16 loo kiciyay burburinta Oobasiibyo ku yaalla Muqdisho?

Read Next

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada?