Afar dal oo Safiiro cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta nuqullada waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay afar safiir oo cusub oo loo soo magacaabay dalkaSoomaaliya.

Safiirrada cusub ee maanta nuqullada waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay ayaa kala ah; Safiirada dalalka Mali, Nigeria, Pakistan iyo Myanmar.

Wasiir Cabdisalaan Cali, ayaa soo dhaweeyay safiirrada cusub, wuxuuna la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada badan leh ee ay la leedahay dalalka ay safiirradan matalayaan.

Dhankooda, safiirrada ayaa uga mahadceliyay wasiirka soo dhaweynta, iyagoo ballan-qaaday inay ka shaqeyn doonaan horumarinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasiir Fiqi oo kormeeray Saldhiga Ciidamada Danab ee magaalada Gaalkacyo

Read Next

MW Xasan Sheekh oo soo gaba gabeeyay Safar dhulka ah oo uu ku maray Degmooyinka Galmudug