Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed oo saldhigyo cusub ka samaystay Duleedka Baydhabo

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ayaa Rugo lagu xoojinayo Nabadgalyada Baydhabo ka sameystay Duleedka Magalaadaas sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo ku sugan Gobolka Baay.

Qorshahaan cusub waxa uu ka dhashay kulan ay xalay Magaalada Baydhabo ku yeesheen saraakiisha ammaanka ee Federaalka iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed si looga hortago weerarrada lagu beegsanayo xarunta Gobolka Baay.

Ciidamada ayaa la geliyay feejignaan sare iyada oo ay la xakameeyay isu socodka Gaadiidka waqtiyada hore iyo habeenkii sida ay ku warrameen ilo wareedyo ku sugan Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar u ah Koofur Galbeed.

Weerarrada ka dhanka ah maamulka Aadan Madoobe ayaa bilihii u dambeeyay kordhay, saraakiisha amni waxa ay sheegeen in ay dejiyeen qorshe looga hortagayo weerarradaas oo caqabad ku ah xasiloonida magaaladaas xarunta u ah Maamulka Koofur Galbeed.

Dhinaca kale waxaa sii kordhay Dadka ku dhintay Dagaalkii shalay aroortii ka dhacay Magaalada Baydhabo, duleedka Magaaladaas waxaa laga soo saaray maydad horleh oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah sida xogaha la helayo ay ku warramayaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Madaxweynaha Uganda oo la dabaaldagay wiil uu awoow u yahay oo ku biiray ciidanka dalkaas

Read Next

Trump oo lumiyay taageerrada Dadka Maraykanka 33%