Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS
Maxkamadda Sare ee Magaalada Nairobi ayaa la soo taagay 8 Qof oo lix ka mid ah ay Soomaali ahaayeen kuwaas oo loo heystay kiis la xiriira argagixisanimo.
Garsoore Michael Elubu, ayaa laalay eedeymo argagixisanimo oo ka dhan ahaa Muhammad Abdulkadir Hirsi , Muhamed Abdul Aziz Adan, Abdullahi Bootan, Hassan Abduwali Muhamoud, Muhamed Ahmed Gele, Yusuf Osman iyo Muhamad Yusuf Farah.
Garsooraha ayaa sheegay in baaris ay ku sameeyeen Raggaas ay waayeen caddeyn ku filan oo Raggan maxkamadeyntooda lagu sii wadi karo.
Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2014kii Al-shabab kala shaqeeyeen in ay dhallinyarada uga qoraan Kenya, Uganda iyo Soomaaliya.
Sida ku xusan Dukumiinti ay Maxkamadda la tageen Sirdoonka iyo Booliska Kenya Raggan ayaa lagu sheegay in ay xiriir joogta ah la lahaayeen Aadan Garaar oo ahaa Taliye sare oo ka tirsan Al-shabab.
