MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Cabdikariin Cabdullaahi Ciidle oo Bishii June ee sannadkaan lagu qabtay Soomaaliya isaga oo muddo 4 sano baxsad ka ahaa Dowladda Maraykanka laguna haysto 31 dambi oo ay kamid yihiin Musuq, lacag dhiqis, bixin Laaluush iyo kuwo kale ayaa maanta kasoo muuqanaya Maxkamad.
Sida ay ku warrameen dacwad oogayaasha, Cabdikariim waxa uu wajahayaa kiisas culus marka la eego qodobada ay u gudbiyeen Maxkamadda maanta lasoo taagayo iyada oo lagu wadaa in su’aalo laga weydiiyo dhammaan dambiyadaas kala duwan ee lagu soo eedeeyay kaddibna go’aan maxkamadeed uu soo bixi doonno.
Ciidle oo 42 jir ah ayaa lagu qabtay Soomaaliya, waxaana qabashadiisa iska kaashaday Waaxda Dambi baarista Federaalka Maraykanka ee FBI, Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Booliiska iyo Waaxda Caddaaladda Maraykanka oo gacanta ku haysatay waaran maxkamadeed oo lagu soo qabanayo.
Marka la eego eedaha kala duwan ee lagu soo eedeeyay oo go’aan ay ka gaari doonto Maxkamadda Minnesota haddii lagu helo waxa uu mutaysan doonnaa ciqaab adag sida in la xiro waqti dheer, laga qaado lacag magdhow ah iyo Hantidiisa lala wareego inkasta oo go’aankaas uu yahay mid ku xiran xeer-beegtida.
Kiiska Cabdikariim Ciidle waxaa qaadaya Garsooraha lagu magacaabo John F. Docherty, waxaa jira qareenno ka difaacaya eedahaas ka dhanka ah halka dhanka Federaalka ay ka socdaan dacwad oogayaal diyaarsaday caddaymo iyo marqaatiyaal ay ku xoojinayaan dacwaddaan iyada oo la sugayo halka kiiskaan uu u biyo shubto.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
