MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa maanta laga waayay Hilibka Geela oo si bulshada Soomaaliyeed ay si maalin leh u cunaan.
Sida noo xaqiijiyeen Ganacsatada Hilibka Geela, Dowladda ayaa canshuuro dheeraad ah ku soo rogtay Geela xilliyada la keenayo suuqyada magaalada Muqdisho.
Ganacsatada ayaa sheegay in Dowladda dalbatay canshuur gaareysa $7 Dollar, iyadoo ay u sii dheertay goobo kale looga qaado canshuuraha.
Arrintaan ayaa sababtay in ay kororto qiimaha Geela ee magaalada Muqdisho, iyadoo Kiilada Hilib ee la iibin jiray $6 Dollar, hadda tahay $8.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco
Mustaqbal
