Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada kumaandooska DANAB oo ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Dowladda ayaa soo bandhigtay hub isugu jiray qoriga AK47, Bambooyin, Bastoolad & Agab laga sameeyo qaraxyada oo ay soo bandhigeen ciidamada Kumaandooska DANAB gaar ahaan kuwa adeegsada Gawaarida Gaashaaman sida hadalka loo dhigay.
Deegaanno hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ay wadaan ciidamo katirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska DANAB & Gorgor.

Saraakiil katirsan ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose ay hoos u dhigeen weerarradii ‘AS ay ku qaadi jirtay xeryaha ciidamada waa sida ay hadalka u dhigeen.
Mustaqbal
