Iiraan oo diday in ay Dalkeeda ka dhoofiso Macanta Yuraaniyamta

Dowladda Iiraan ayaa la sheegay in ay diiday inay dalkeeda ka dhoofiso Macdanta Yuraaniyamta kaddib markii Maraykanka iyo xulufadiisa ay cadaadis ku saareen Tehran sidii ay u dhoofin lahayd macdantaas oo ay u arkaan halis ay hurdada ka ladi la’ yihiin.

Labo sarkaal oo ku dhow Hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan, Mojtaba Khamani ayaa sheegay in hoggaamiyaan uu qaatay go’aankaan loo arko in uu si wayn u caro gelin doonno Maraykanka iyo isbahaysigiisa oo rajo ka qabay in la qaado macdantaas.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Iiraan, Tehran ayaa ku goodisay in ay goobo cusub beegsan doonto haddii Maraykanka, Israa’iil iyo xulufada kale ee la safan ay isku dayaan in ay ku duullaan dalkeeda inkasta oo aanay shaacin goobahaas.

Qorshaha waxa uu ahaa in Iiraan ay dhoofiso Macdanta Yuraaniyamta iyada oo ay geyneyso Dalweynaha Ruushka si kaddib loo galo wadahadal, Tehran ayaa horay usoo jeedisay in Maraykanka uu guud ahaan isaga baxo Khaliijka iyo Bariga Dhexe kaddibna nabad la helayo.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW Xasan Shiikh oo khadka Taleefankan kula hadlay Xoghayaha Jaamacadda Carabta

Read Next

DFS oo sheegtay in howlgal ka dhacay Afgooye lagu soo qabtay Hub & xubin katirsan AS