Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya
Hordhac Kooban.
Cunaqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya muddo ka badan soddon sano, waxa ay ahayd mid ka dhalatay burburkii dawladnimo iyo dagaalladii sokeeye ee uu hubka lafdhabar u noqday.
December 2023 golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay si buuxda uga qaaday xayiraaddii iyo cunaqabatanytii hubka. Tallaabadaas ayaa loo arkay guul diblumaasiyadeed oo weyn iyo fursad lagu dhisayo ciidan qaran oo awood u leh la dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
Si kastaba, qaadista cunaqabataynta hubka, waxa ay furtay dood qaran oo adag, maaddaama ay isla waqtigaas soo ifbaxeen caqabado la xiriira xakamaynta hubka, leexsigiisa, iyo saamaynta uu ku yeelan karo xasilloonida amni iyo mid siyaasadeed.
Qormadani waxa ay si qotodheer u falanqaynaysaa taariikhda cunaqabataynta hubka, sababihii loo saaray, marxaladihii uu soo maray, wixii isbeddel ah ee ka dhashay qaadista cunaqabataynta hubka, faa’iidooyinka iyo khasaaraha muuqday, iyo jihada mustaqbalka uu wajihi karo amniga iyo dawladnimada Somalia.
Dulmar Sooyaal
Kadib dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977, waxaa isa soo tarayay oo mid mid u soo baxayay calaamadihii burburka ee Soomaaliya. Subax kamida subaxyadii bisha January ee 1991, waxa ay shacabkii caasimadda ee Muqdisho ku soo tooseen dhawaaqa hubka nuucyadiis kala duwan. Waxay ahayd subax ay carruurta ku waabberiisteen alaabtii reerkooda oo dibadda waran; waalidkooda oo wada argaggaxsan, aysan jirin cid cid la hadlaysa, duco iyo qur’aan intii uu qof walba yaqaanayna uu hoosta boqoljeer ka akhrinayo.
Subaxdaasi waxaa qarxay dagaalkii sokeeye, meel walba rasaas ayaa ka yeeraysay, dhan walba ayaa loo faraqayay. Jabhadihii ayaa Xamar iyo magaalooyinka kaleba sida ayax beer helay ugu soo xoomay; halka dawladdii Soomaaliya ahaydna sida rati la boqno gooyay ay mar kaliya si qaabdaran shafka dhulka u la heshay. Hubkii dawladduna waxa uu u kala galay gacmo shacab, jabhado iyo kooxo aan wax xakame ah lahayn.
Sannad kadib, January, 1992, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 733, midkaas oo lagu cunaqabataynayo hubka Soomaaliya. Saddex bil kadib, waxaa soo baxay qaraar kale oo tirsigiisu yahay 715, kaas oo ujeedkiisu ahaa dhawridda iyo dhammaystirka qaraarkii hore ee lagu cunaqabataynayay hubka Soomaaliya.
Sababta rasmiga ah ee cunaqabataynta, waxa ay Qaramada Midoobay ku sheegeen in hubkii dawladda sida uu u dhan yahay uu u gacan galay shacab u muuqda kuwa meel iska soo dhigay miyirkii oo si macno iyo xilkasnimadarro ah isku xasuuqayo. Kolkaa cunaqabataynta waxa ay mamnuucaysay nooc kasta oo hub ah in la geeyo Soomaaliya, ciddii gaysaa oo ka iibisaane waxaa loo aqoonsanayay dambiile sii hurinaya dagaallada sokeeye ee Soomaaliya ka socday.
Dalalka kale ee la cunaqabateeyay
A- Dalalkii ugu muddada dheeraa
In kasta oo Soomaaliya noqotay dalkii labaad ee ugu muddada dheeraa ee cunaqabatayn hub lagu hayo (in ka badan 30 sano), haddana ma ahayn dalka kaliya ee la saaray cunaqabatayn hub, uguna mudda dheera. Dalal kale ayaa soo maray waayo-aragnimo la mid ah midka Soomaaliya:
- Argentina: Mid ka mid ah dalalka ugu caansan ee ay ka soo baxayn ciyaartoyda kubadda cagta ayaa March, 1977 ka dhacay xasuuq iyo wax bani’aadannimada ka baxsan. Waxaa geesatay xukuumaddii millatariga ahayd ee uu hoggaaminayay Jorge Rafael Videla. Waxaana la saaray cunaqabatayn hub illaa laga qaaday sannadka marka uu ahaa 1989.
- Indonesia: Dalka uu jasiiradihiisu gaarayo 17,508 jasiiradood ee Indonesia ayaa si lamida Argentina waxaa ka dhacay xasuuq iyo arrimo bani’aadantinnimada ka baxsan oo uu gaystay nidaamkii iyo xukuumaddii markaa gacanta ku haysay ee madaxwayne Bacharuddin Jusuf Habibie. Waxaana cunaqabataynta hubka la saaray September 1999, waxaana laga qaaday 2005.
- Chine: Dalka dadkiisu ay gaarayaan 1.42 bilyan ayaa sannadka marka uu ahaa June, 1989 waxaa ka dhacay kacdoon iyo mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo xisbiga shuuciga ee talada dalka hayay. Deng Xiaoping oo ahaa hoggaamiyaha xisbiga ayaa amray in la aammusiyo cod kasta oo dhanka mudaaharaadyada ka soo yeeray. Waxaana halkii lagu dilay 10,000 oo qof. Haddaba, xukuumaddii shuuciga ahayd iyo Chine, waxaa la saaray cunaqabatayn xaga hubka ah. 2005 ayaa se laga qaaday cunaqabatayntii hubka, kolka ay dood ka yeesheen midawga Yurub.
B- Dalalka aan weli laga qaadin
Dhanka kale, dalalka la saaray cunaqabataynka hubka ee aan weli laga qaadin waxaa kamida.
- Central Africa Republic: waxaa la saaray 2013, waxaana si wada jira u saaray Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, lagamana qaadin illaa hadda.
- Democratic Republic of Congo, waxaa la saaray oo si wada jira u saaray Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub sannadka marka uu ahaa 1993.
- Haiti: oo ah dal ku yaalla waqooyiga America ayaa cunaqabatayn hub la saaray 2022 oo ay saareen Qaramada Midoobay.
- Ciraaq waxaa la saaray 2004. Illaa hadda way saaran tahay.
- Liibiya ayaa kamida dalalka illaa hadda ay saaran yihiin cunaqabataynta hubka, waxaana la saaray 2011-kii ah.
- North Korea: waxaa kale oo kamida dalka uu xukumo Kim Jong Un oo la saaray 2006, iyada oo ay si wadajira u saareen Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub 2006. Yemen, Sudan iyo South Sudan ayaa kamida dalalka ay weli saaran yihiin cunaqabataynta hubka.
C-Dalalkii u dambeeyay ee laga qaaday
Marka laga tago dalalkaas aan weli laga qaadin iyo kuwii laga qaaday dhammaadka qarnigii labaatanaad, waxaa kale oo jira dalal kale oo laga qaaday cunaqabataynta hubka tobankii sano ee ina weydaartay. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa:
- Yugoslavia oo laga qaaday 2018.
- Eritrea waxaa laga qaaday 2018.
- Sierra Leone oo loo fasaxay hubka in ay soo iibsadaan 2008.
- Rwanda oo laga qaaday 2008.
- Ivory Coast oo Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay si wada jir ah uga wada qaadeen 2016.
- Soomaaliya oo ah dalka ugu dambeeyay eel aga qaaday waxaana laga qaaday dhammaadkii 2023
Marxaladihii uu Soo Maray Cunaqabataynta Hubka.
Cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya ayaa soo martay maraaxil iyo duruufo kale duwan. Marxaladda koowaad ayaa ahayd midii cunaqabataynta hubka iyo dhammaystirkiisa. Marxaladda labaad oo 2001 ayaa ahayd dib u eegis lagu samaynayay cunaqabataynta hubka oo laga soo reebayay hubka qaar iyo qalabka millatariga oo cayiman, si loogu adeegsado hawlaha bani’aadantannimo ee ay hay’aduhu ka hayeen dalka Somalia.
December 2006, qaraar uu tirsigiisu yahay 1725 ayaa ka soo baxay golaha ammaanka ee QM, kaas oo u oggolaanayo ururgoboleedka Intergovernmental Authority on Development (IGAD) iyo midawga Africa inay farageliyaan xaaladda Soomaaliya oo ay ciidamo isku dhafan geeyaan, si ay garab ugu noqdaan xukuumaddii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee Kenya lagu soo yabyabay.
2008 waxaa la bartilmaamsaday dadka hubka ka ganacsada ee sida sharcidarrada ah ku soo galiya dalka, sidoo kale isla sannadkii xigay ee 2009 waxaa cunaqabatayn hubka ah lagu soo rogay dalka Eritrea oo lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay cunaqabatayntii hub ee Soomaaliya saarnayd.
Xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh ee 2012-2017 ayaa ahayd Xukuumaddii u horraysay ee billawday codsiga ah in laga dulqaado ama laga khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee dalka saarnaa.
Haddaba dedaalkii socday ee lagu doonayay in dalka looga qaado cunaqabataynta hubka waxaa garab socday caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin xuduuddaha dalka oo furnaa, hubka yaallay oo aan diiwaangashanayn, iyo dawladda oo loo arkayay inaysan gaarsiisnayn oo ay u bislayn iibsashada nooc kasta oo hub ah iyo xifdintooda iyo xakamayntooda.
Si kastaba, dedaalkii ay billawday xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u suuragashay inay isla iyada dhammayso, iyada oo ay xukuumaddii madaxweyne Farmaajo wax ku darsadeen dedaalkii loogu jiray cunaqabataynta hub ka qaadista Soomaaliya.
Halka uu ka iman jiray Hubka sharcidarrada.
Hubka sharci-darrada ah ee Soomaaliya soo gala inta badan waxa uu ka iman jiray dalalka deriska ah iyo marinno badeed, kuwaas oo si fudud looga soo geli karo dalka, sababo la xiriira xuduudaha oo furan, xeebaha oo dhaadheer, iyo awoodda xaddidan ee kormeerka amni. Ilaha ugu waaweyn waxaa kamid ahaa Yemen, halkaas oo hub badan oo ka haray dagaalka sokeeye si joogto ah looga soo tahriibin jiray, gaar ahaan doomaha yaryar ee mara gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya, kuna soo xiran jiray xeebaha Puntland.
Sidoo kale, Ethiopia ayaa ahayd marin dhul oo muhiim ah, iyada oo hub si qarsoodi ah looga soo gelin jiray gobollada dhexe iyo waqooyi, mararka qaarna loo adeegsaday colaadaha ka aloosan gudaha Soomaaliya.
Intaas waxaa dheer, hub hore oo ka haray burburkii dawladdii dhexe iyo bakhaaradii millatariga ee la bililiqaystay, kuwaa oo kamid ahaa hubkii ku faafay gacmaha shacabka iyo maleeshiyaadka. Qayb kale oo hubka ahna waxay ka imanaysay dhac iyo weerarro lagu qaado saldhigyada ciidamada dawladda iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan weerarrada ay kooxda AS ku qaaddo saldhigyada CXD iyo ATMIS, halkaas oo ay ka helaan hub iyo rasaas.
Global Initiative Against Transnational Organized Crime (GITOC) oo ah hay’ad cilmi-baaris oo caalami ah, kana shaqaysa ladagaallanka dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba, gaar ahaan tahriibinta hubka, mukhaadaraadka, iyo shabakadaha dambiyada ee caalamiga ah ayaa marka laga hadlayo Soomaaliya, waxay kamid tahay hay’adaha sida dhaw ula socday faafitaanka hubka sharci-darrada ah iyo sida uu ula xiriiro colaadaha gobolka.
Intii u dhexeysay December, 2020 illaa August, 2021, cilmi-baarayaal ka tirsan GITOC ayaa ururiyay xog socotay siddeed bilood, iyada oo markii daraasaddii la dhammaystiray la baahiyay April, 2022. Daraasaddaas ayaa lagu sheegay in siddeeddaa bilood lagu diiwaangeliyay 4,251 qori oo hub fudud iyo hub dhexdhexaad ah iyo in ka badan 3,200 xabbo oo rasaas ah, kuwaas oo laga helay meelo kala duwan oo guud ahaan dalka. Arrintaas ayaa caddaynaysa in hubka sharci-darrada ahi aanu ku koobnayn marin ama gobol gaar ah, balse uu yahay mushkilad qaran oo sal ballaaran leh.
Iyada oo laga duulayo qayb kamid ah xogta GITOC, waxay November, 2021 baahisay warbixin cilmi-baariseed cinwaankeedu ahaa “An Iranian fingerprint?”. Warbixintaas ayaa si gaar ah diiradda u saartay faafitaanka qoriga Type 56-1, oo ah nooc Shiinees ah oo bahwadaag yihiin AK-47, Soomaalidane u taqaano dabalaab, kuwaas oo si baahsan looga helay suuqyada hubka sharci-darrada ah ee Soomaaliya.
Warbixintaas ayaa ku soo gabagabaysay in qoryahaas ay aad ugu dhawdahay in laga weeciyay xammuullo hub ah oo Iran u dirtay Xuutiyiinta Yemen, kadibna ay si sharci-darro ah ugu soo gudbeen Soomaaliya, iyada oo loo marayo marinno badeed, gaar ahaan gacanka cadmeed, iyo shabakado tahriib oo muddo dheer ka shaqeynayay gobolka. Haddaba warbixinta GITOC ee ku salaysnayd xogtii siddeedda bilood, waxay soo bandhigtay natiijooyin dheeraad ah, iyada oo falanqaynta u qaybisay saddex qaybood oo waaweyn.
Qaybta koowaad waxay ahayd daraasad iyo qiimayn lagu sameeyay suuqyada madow ee lagu iibiyo hubka sharci-darrada ah ee ku yaalla Soomaaliya oo gaarayay 13 suuq madow. Daraasadda ayaa miijinaysa sida uu u shaqeeyo suuqyada madow, isbeddelka qiimaha hubka, iyo sida colaadaha beelaha iyo dagaalka kooxda Al-Shbaab qayb uga yihiin suuqyadaas madow.
Qaybta labaad waxay iftiimisay afar kiis oo gaar ah, kuwaas oo ay ku jireen hub asal ahaan ka yimid Iran iyo Sacuudi Carabiya, iyo sidoo kale qoryo Shiine ah oo si ula kac ah loo beddelay muuqaalkooda si ay ugu ekaadaan kuwo Ruush ah, arrintaas oo muujinaysa heerka sare ee marin-habaabinta asalka hubka, iyo xirfadda shabakadaha ganacsiga hubka sharci-darrada ah.
Qaybta saddexaadna waxay soo bandhigtay natiijooyinka, taas oo muujisay in rasaastu ay la mid tahay hubka marka la eego faafitaankeeda, kala duwanaanta ilaha ay ka timaaddo, iyo doorka ay ku leedahay sii socoshada colaadaha hubaysan.
Guud ahaan, xogta GITOC waxa ay si cad u muujinaysaa in Soomaaliya ay noqotay meel ay ku kulmaan hub ka imanaya colaadaha gobolka, gaar ahaan Yemen, islamarkaana ay jirto shabakad caalami ah oo abaabulan oo hubkaas u soo marsiisa dalalka deriska.
Natiijooyinkani waxa ay xoojinayaan doodda ah in cunaqabataynta hubka kaligeed aysan waligeed ku filnayn joojinta faafitaanka hubka, haddii aan la xoojin xakamaynta xeebaha, xuduudaha dhulka, la-socodka hubka iyo rasaasta, nidaamyada diiwaangelinta, iyo isla-xisaabtanka hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleedba.
Sida ay tilmaameen hay’ado cilmi-baaris oo caalami ah, isku darka marinno badeed, xuduudo dhul oo furan, iyo suuqyada madow oo si wanaagsan u shaqeeya ayaa Soomaaliya ka dhigay mid kamid ah meelaha ugu sahlan ee hubka sharci-darrada ah ka soo galo geeska Africa.
Maxaa dhacay kadib qaadista cunaqabataynta Hubka?
Kadib markii December 2023 golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si buuxda uga qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya, isbeddello degdeg ah ayaa ka billawday dhinacyada amniga, siyaasadda iyo suuqyada hubka. In kasta oo tallaabadan loo arkay guul diblumaasiyadeed iyo fursad lagu dhisayo ciidan qaran oo awood leh, haddana dhacdooyin dhowr ah oo si toos ah ula xiriira hubka ayaa muujiyay in dalku uusan weli si buuxda ugu diyaarsanayn maaraynta hub fara badan.
Dhacdadii ugu cuslayd ee durbadiiba iftiimisay nuglaanta nidaamka xakamaynta hubka ayaa ahayd dhacdadii Caabudwaaq ee July 2024, halkaas oo maleeshiyaad beeleed ay si hubaysan u joojiyeen una dhaceen laba gaari oo hub siday, kuwaas oo la sheegay inay kasoo gudbeen xadka Ethiopia, islamarkaana ay gelbinayeen ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga.
Hubka la qabsaday waxa uu isugu jiray qoryo fudud iyo kuwo culus, rasaas badan, iyo qalab millatari oo qiimihiisu gaarayay $700,000. Hubkaas u gacan galay shacabka ayaa lagu qiyaasaa tiradiisa guud 350 xabbo oo nacyadiisa fudud iyo kuwiisa culus ay isugu jiraan. Qoryaha fudud ayaa kamida AK47, AKM, T56, T56-1, halka kuwa culusna ay kamid yihiin PKM iyo DShK (Dhashiike), iyada oo ay ku jiraan bistooladaha kala ah TT-33, Makarov, iyo tiro yar kamida bastooladda Glock ee dalka Austria lagu sameeyo.
Dhacdadan waxay noqotay kiiskii ugu weynaa ee hub leexsi ah tan iyo qaadista cunaqabataynta hubka, waxayna si cad u muujisay daciifnimada ilaalinta gaadiidka hubka, isku-duwidda hay’adaha amniga, iyo awoodda dawladda ee ka hortagga in hubku u gacan galo kooxo aan dawli ahayn.
Dhacdadan kadib, waxaa si weyn u kordhay walaaca ku saabsan in hub sharci ah oo dawladdu soo iibsatay uu ku dambayn karo suuqyada madow, ama loo adeegsan karo colaadaha beelaha, gaar ahaan deegaannada ay ka jiraan khilaafaadka dhulka iyo khayraadka.
Warar soo baxay bilihii xigay ayaa tilmaamay in qaybo kamid ah hubka fudud ee la qabsaday ama la leexiyay lagu arkay suuqyo hub oo maxalli ah, in kasta oo aan tiro rasmi ah la xaqiijin.
Isla muddadaas, waxaa soo kordhay dhacdooyin la xiriira tahriibinta hubka oo laga soo gelinayay Soomaaliya dhanka badda, gaar ahaan xeebaha Puntland. In kasta oo cunaqabataynta laga qaaday dawladda, haddana shabakadaha tahriibinta hubka sharci-darrada ah ma istaagin; taa beddelkeeda, waxay sii wateen keenista hubka fudud, iyaga oo ka faa’iidaysanaya xeebaha dhaadheer iyo kormeerka amni ee xaddidan. Tani waxay muujisay in qaadista cunaqabataynta aysan si toos ah u joojin karin ganacsiga hubka sharci-darrada ah, haddii aan la xoojin nidaamyada kontoroolka.
Dhanka kale, weerarrada kooxda AS ku qaadday saldhigyada ciidamada dawladda iyo kuwa caalamiga ah ayaa sii socday, waxaana marar badan la xaqiijiyay in kooxdaasi ay ka qaadatay hub iyo rasaas saldhigyada ay weerartay. Arrintan waxay sii adkaysay doodda ah in hubka dalka ku jira, ha noqdo mid sharci ah ama mid sharci-darro ah uu si fudud ugu wareegi karo gacmo khaldan haddii aan si adag loo maamulin.
Sidoo kale, qaadista cunaqabataynta hubka waxa ay dhalisay khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya dawladda dhexe iyo qaar kamid ah maamul-goboleedyada. Somaliland ayaa iyaduna si gaar ah u muujisay walaac ku saabsan in cunaqabataynta hubka ee la qaaday uu wax ka beddeli karo isu-dheelitirnaanta awoodda siyaasadeed iyo amni, waxayna xitaa ku baaqeen in dib loo qiimeeyo go’aanka laga qaaday cunaqabataynta hubka. Khilaafkan siyaasadeed wuxuu sii adkeeyay wada-shaqaynta amni ee heer qaran, taas oo muhiim u ahayd xakamaynta hubka.
Ugu dambayn, dhacdooyinkan oo dhan waxay muujinayaan in wixii ka dambeeyay qaadista cunaqabataynta hubka, Somalia ay gashay marxalad tijaabo ah: Dhinac waxaa jira fursad lagu dhisayo ciidan qaran oo awood leh, halka dhinaca kalena ay taagan yihiin khataro dhab ah oo la xiriira leexsiga hubka, colaadaha beelaha, suuqyada madow, iyo xasilooni-darro siyaasadeed. Natiijada kama dambaysta ah waxay ku xirnaan doontaa sida ay dawladda iyo maamul-goboleedyadu ugu guulaystaan xakamaynta, diiwaangelinta, iyo isla-xisaabtanka hubka dalka soo gala.
Maxaa la faa’iiday kadib ka qaadista cunaqabataynta Hubka.
Qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, waxa ay astaan u noqotay isbeddel weyn oo dhinaca dawladnimada iyo madaxbannaanida amniga ah. Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay heshay sharciyad buuxda oo ay si rasmi ah ugala macaamisho suuqyada caalamiga ah ee hubka, iyada oo ka baxday xaaladdii ay ku tiirsanayd deeqo xaddidan iyo marinno dadban. Tani waxay sare u qaadday kalsoonida beesha caalamka, waxayna muujisay in Soomaaliya loo arko dal si tartiib ah ugu socda dhismaha hay’ado amni oo mas’uuliyad qaadi kara, in kasta oo caqabado badan ay weli taagan yihiin.
Dhanka amniga, qaadista cunaqabataynta hubka, waxa ay si muuqata u fududaysay qalabaynta iyo joogtaynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya. Helitaanka hub iyo rasaas si sharci ah loo soo iibsado ayaa suurageliyay in hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay noqdaan kuwa joogta ah, islamarkaana ciidamada ay helaan qalab la jaanqaadi kara baahida dagaal ee dhabta ah. Arrintani waxa ay si toos ah ula xiriirtay qorshaha kala-guurka amniga iyo ku wareejinta mas’uuliyadda ATMIS una wareegaysa ciidanka Soomaaliya, taas oo qaadista cunaqabataynta ka dhigtay tiir muhiim u ah istiraatiijiyadda amniga qaranka.
Sidoo kale, go’aanka looga qaaday cunaqabataynta hubka waxa uu xoojiyay wada-shaqaynta caalamiga ah ee dhinaca difaaca, tababbarka iyo la-talinta farsamo. Soomaaliya waxa ay yeelatay awood ay si toos ah uga la shaqayso dalal iyo hay’ado taageera dhismaha ciidamada, iyada oo helaysa tababbarro, qorshayn iyo taageero farsamo oo ka ballaaran tii hore. Taasi waxay sare u qaadday sumcadda dwladda federaalka ee ku aaddan hoggaaminta amniga qaranka, in kasta oo ay dhalisay dood iyo walaac ka yimid qaar kamid ah maamul-goboleedyada iyo qayb kamid ah bulshada.
Ugu dambayn, qaadista cunaqabataynta hnubka waxa ay furtay fursad istiraatiiji ah oo lagu dhiso nidaamyo rasmi ah oo lagu diiwaangeliyo, lagu kaydiyo laguna xakameeyo hubka dalka soo gala, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta suuqyada madow iyo faafitaanka hubka sharci-darrada ah. Si kastaba ha ahaatee, faa’iidooyinkan waaweyn ma noqon doonaan kuwo waara haddii aan lagu xirin xakamayn adag, isla-xisaabtan dhab ah, iyo wada-shaqayn buuxda oo u dhexeysa dawladda dhexe, maamul-goboleedyada iyo hay’adaha caalamiga. Haddii arrimahaas la daryeelo, qaaddista cunaqabataynta hubka waxay isu rogi kartaa fursad taariikhi ah oo lagu dhiso amni iyo dawladnimo waarta; haddii kalena, waxay halis u tahay inay noqoto il xasilooni-darro oo cusub.
Falanqayn Guud
Qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya waxa ay daaha ka rogtay xaqiiqo hore u qarsoonayd. Taas oo ah in dhibaatada amniga dalka aanay ku koobnayn helitaanka hub ama la’aantiisa, balse ay salka ku hayso awoodda dawladdu u leedahay maammul, xakamayn iyo isla-xisaabtan.
Muddo soddon sano ah, hubku si sharci-darro ah ayuu dalka ugu soo qulqulayay, iyada oo dawlad la’aan, xuduudo furan iyo suuqyada madow ay ka dhigeen Soomaaliya meel uu hubku si fudud u galo, una wareego gacmo kala duwan. Sidaas darteed, qaadista cunaqabataynta hubka ma ahayn billaw cusub oo kaliya, balse waxay ahayd imtixaan dhab ah oo lagu cabbirayo bisaylka dawladnimada Somalia iyo inay weli tahay qayriin aan dhuunta dhaafi karin.
Dhacdooyinkii ka dambeeyay qaadista cunaqabataynta hubka, sida leexsiga hubka, tahriibka sii socda, iyo hub ku dhacay gacmo shacab ama maleeshiyaad, waxay muujinayaan in awoodda dawladdu weli xaddidan tahay, gaar ahaan dhanka kormeerka, kaydinta, iyo gaadiidka hubka. Si kastaba ha ahaatee, dhinaca kale, qaadista cunaqabataynta hubka waxay siisay Soomaaliya fursad istiraatiiji ah oo ay ku dhisi karto ciidan qaran oo sharciyad leh, islamarkaana ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka. Labadan isdiiddo ee fursadda iyo khatarta ah, ayaa maanta ah udub dhexaadka xaaladda amni ee Soomaaliya.
Mustaqbalka dhow, jihada amniga Soomaaliya waxay u badan tahay inay ku xirnaato saddex arrimood oo waaweyn. Tan koowaad waa sida ay dawladdu ugu guulaysato dhisidda nidaam adag oo diiwaangelin iyo raadraac hub, si loo hubiyo in hub kasta oo dalka soo gala lagu hayo gacanta hay’adaha rasmiga ah. Tan labaad waa xiriirka u dhexeeya dawladda dhexe iyo maamul-goboleedyada; haddii hubka loo arko aalad siyaasadeed ama mid la isku cabburiyo, amniga qaranku wuu sii wiiqmi doonaa. Tan saddexaadna waa sida loola tacaalo hubka hore u faafay, maadaama xitaa hubka cusub ee sharci ah uusan waxba tarayn haddii boqolaal kun oo qori ay weli ku jiraan gacmo aan dawli ahayn.
Dhanka dawladnimada, qaadista cunaqabataynta hubka waxay noqon kartaa tallaabo xoojin karta dawladnimada, haddii loo adeegsado dhisidda hay’ado hufan, ciidan qaran oo midaysan, iyo nidaam isla-xisaabtan oo shaqeeya. Haddii se ay ku dhammaato in hubku sii xoojiyo beelaysiga, tartanka awoodda iyo kala shakiga siyaasadeed, waxaa jirta khatar ah in Somalia ay dib ugu noqoto wareeg hore oo colaad iyo hub urursi ah. Sidaas darteed, mustaqbalka amniga iyo dawladnimada Soomaaliya kuma xirna hub cusub oo sharci ah oo la helay, balse wuxuu ku xirnaan doonaa xikmadda loo maammulo hubkaas.
Gunaanad.
Laba sano kadib qaadista cunaqabataynta hubka, Soomaaliya weli waxay taagan tahay isgoys taariikhi ah. Hubku kaligiis ma aha xal iyo dhibaato midna; waxaa go’aamiya waa cidda haysa, sida loo maammulo, iyo ujeeddada loo adeegsado. Haddii aan la dhisin nidaam adag oo daahfuran, hubkii la fasaxay wuxuu dib u noqon karaa aalad burbur cusub dhalisa. Haddii se si xikmad leh loo maammulo, wuxuu noqon karaa tiir lagu dhiso amni, qaranimo iyo dawladnimo waarta.
_______________________________________________________________________
WQ: Aw Dacar oo ah Qaraa iyo Saxafi
Gmail: awdacar@gmail.com
Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media
Mustaqbal
