Wadahadalka Dowladda Federaalka & Mucaaradka oo goordhow ka furmaya Villa Somalia

Waxaa Madaxtooyada Soomaaliya goordhaw gaaray xubnaha Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ay wadahadlayaan iyada oo maanta diiradda la saarayo qodobo ay wadatashi kasoo sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay.

Wadahadalkaan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Siyaasadda, Doorashooyinka, Dastuurka iyo kuwo kale waana kuwa loo arko in ay dood badan dhallin karaa maadaama Dowladda Federaalka & Mucaaradka ay ka kala joogaan labo daraf.

Shirkaan waxa uu kulamadii hore uga duwan yahay marka qodob culus la hordhigo dhinac kamid ah dhinacyada wadahadlaya waxa uu madasha ka sheegaa in uu waqti qaadanayo kana soo tashanayo dibna ugu soo celin doonno.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Siciid Deni “In la heshiiyo Ayay Danta Dalkaan ku jirtaa, Dhab buu naga yahay heshiiska”

Read Next

Wasiir Daahir Shire “Isha keliya ee Rajada Soomaaliya ay qabto waa in Batroolkeeda lasoo baxdo”