Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
War-saxaafadeed ayaa laga soo saarey kulan ay saacadihii la soo dhaafay ay magaalada Qaahira ku yeesheen Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka iyo aragtida wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadda gobolka.
“Waxaan hoosta ka wada xarriiqnay in dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Tallaabooyinka sharci-darrada ah ee Israa’iil qaaday ee ku aaddan aqoonsiga gobolka Waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland, waxay jebinayaan qawaaniinta dagsan ee caalamiga ah, Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika” yiri MD Xasan Shiikh.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Arrintaan waxaa ay sii hurrineysaa xiisadaha, iyadoo abuuraya fursado ay ka faa’iideystaan kooxaha xagjirka ah ee ka macaasha xasillooni-darrada”. ayuu
Dhankiisa, Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Alsiisi ayaa adkeeyay ixtiraamka madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda istaraatiijiga ah ee horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.
Masar ayaa kamid ah dalalka sida dhow u taageera midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Mustaqbal
