Xildhibaanno iyo Senetar oo laga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka

Xildhibaanno kulamadii u dambeeyay ee Baarlamaanka soo muuqday, iyagoo sameynaya buuq iyo fowdo ayaa muddo kooban laga mamnuucay kulamada wadajir ah ee labada aqal.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka,  Cabdullaahi Cumar Abshir Abshirow ayaa lagu amray Xildhibaannada soo socda in aysan muddo 12 kulan oo xiriir ah imaan karin kulamada.

Xildhibbannadaasi ayaa waxaa kamida ah:-

    1. Xil. Abdirahman Abdishakur Warsame
    2. Xil. Abdilatif Muse Nur (Sanyare)
    3. Xil. Abdikadir Hussein Abdi (Uurdoox)
    4. Xil. Said Dahir Ismail
    5. Xil. Ahmed Abdi Koshin
    6. Xil. Xil. Abdishakur Ali Mire

Ugu dambeyn, Taliska Amniga ee Golaha Shacabka ayaa la faray in uu dhaqangaliyo go’aankan si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wareegto uu dhankiisa soo saaray Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan ayaa lagu caddeeyay in Senetar Ibraahim Awgaab inuusan fadhiyada wadajirka ah ee Baarlamaanka muddo 12 kulan ah.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Maxaa ka soo baxay wada hadallada Soomaaliya iyo Masar?

Read Next

Cabdiraxmaan Cirro oo qiray in ay culays ku noqotay tallaabooyinka Dalal badan ay ku diideen aqoonsiga uu ka raadiyay Israa’iil