AS oo lagu eedeeyay Dil loo gaystay Macallin & Guddoomiye Xaafadeed katirsan Maamulka Gaarisa

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa ‘AS’ ku eedeeyay Dil xalay waqti danbe loo gaystay Macallin lagu magacaabo Steve Musili & Guddoomiye Xaafadeedka Hulugho ee Ismaamulka Gaarisa, Cabdifitaax Gaani.

Koox hubaysan ayaa beegsatay Musili iyo Gaani, dilka kaddib waxa ay ka baxsadeen isla goobta, waxyar kaddib waxaa goobta gaaray ciidamada Ammaanka oo lagu wargeliyay dhacdadaan balse kuma guulaysan in ay qabtaan Kooxdaas.

Dad lagu tuhmayo in ay wax ka ogaayeen arrintaan ayay Hay’adaha Ammaanka Kenya su’aalo waydiinayaan si ay u helaan macluumaad ku filan, waxyaabaha la su’aalayo waxaa kamid ah Koxoda dilka gaysatay, halka ay u baxsatay & inta ay gaaraysay.

Dilal iyo weerarro ka dhacay waqtiyo kala duwan ee Ismaamullada Gaarisa, Mandheera iyo kuwo kale waxaa mas’uuliyaddooda sheegtay AS halka qaar kale ay ka gaabsadeen lagu eedeeyay in ay isla ‘AS’ ka danbeeyeen.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Baraf Xooggan oo Dowladda Maraykanka ku qasbay in ay hakiso in ka badan 10 kun oo duulimaad & Xaaladda oo adag

Read Next

Maxay kawada hadleen Guddoonka Baarlamaanka JFS & Guddiga Dib u eegista Dastuurka Dalka?