Guddoomiye Yacob Frey “Trump u dhaqan sidii hoggaamiye, jooji howlgalka Masaafurinta ee aad ka wado Minnesota”

Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey ayaa si adag uga hadlay rabshadaha ka socda Gobolka Minnesota ee salkoodu yahay howlgallada ka dhanka ah Bulshada ku nool halkaas ee Madaxweyne Donald Trump amray in la masaafuriyo.

Jacob Frey ayaa Madaxweyne Trump usoo jeediyay in uu u dhaqmo sida mas’uul balse uusan dadkiisa ula dhaqmin sida qof la xifaaltamaya oo kale, waxa uu ugu baaqay in uu Minnesota ka dulqaado Ciidamada ICE ee khalalaasaha geliyay Gobolkaas.

“Madaxweyne Trump, waxaa la joogaa waqti aad u dhaqmi laheyd sida hoggaamiye.  Jooji howlgalka. Waxaan kuu sheegayaa, magaaladeennu way soo kaban doontaa, ammaankuna waa la soo celin doonaa” ayuu yiri, Duqa Minneapolis, Jacob Frey.

Waa uu sii hadlay waxaana uu yiri “Waxaan kaa codsanaynaa inaad tallaabo degdeg ah qaaddo, Ciidamada federaalka ah ka saar magaalada. Adeegsiga militari iyo ciidamo aan la garanayn oo waddooyinkeena qabsaday taasi waa waxa daciifiya dalkeen”.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu adeejinayo Ciidamo Militari ah si ay usoo afjarayaan Rabshadaha ka dhanka ah Ciidanka Socdaalka iyo Kastamka ee ICE oo si bareer ah u dilay Dad rayid ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sheekh Dirir “Waa Nasiib darro wayn in dadkeenna qaar ay dhahaan Yuhuudda ayaa walaalo nahay”

Read Next

Baarlamaanka Carabta oo Soomaaliya u ballanqaaday in uu ka gacansiinayo Amniga & Madaxbannaanideeda