Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Guddiga Doorashada dalka Uganda ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha hadda talada haya, Yoweri Museveni, uu ku guuleystay doorashadii madaxtooyada, taas oo ka dhigan inuu dalkaas xukumi doono muddo xileedkiisii toddobaad.
Museveni, oo ah 81-jir talada dalkaas hayay tan iyo sannadkii 1986-kii, ayaa helay codad gaaraya 71.65 boqolkiiba, sida uu sheegay guddiga doorashada.
Waxa uu ka adkaaday ninka sida weyn ula loolamayay ee Bobi Wine, oo ah 43-jir fannaan ahaa oo siyaasi isu beddelay, kaas oo helay 24.72 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.
Maalintii doorashada ee Khamiista, xukuumadda Uganda ayaa gabi ahaanba jartay adeeggii internet-ka ee dalka oo dhan, taas oo dhalisay cambaarayn caalami ah iyo shaki laga muujiyey hufnaanta doorashada.
Bobi Wine ayaa baraha bulshada ku sheegay maalintii doorashada inay socotay shubasho baahsan oo codadka ah. Sabtidii maanta ah, waxa uu sheegay inuu ka baxsaday weerar ay ciidamada booliska iyo militariga ku qaadeen gurigiisa.
Yoweri Museveni ayaa muddo dheer lagu eedeynayay inuu cadaadis xooggan ku hayo dadka ka soo horjeeda siyaasaddiisa.
Mustaqbal
